1. Aqbalidda shuruudaha
Markaad rakibto ama isticmaasho Gaashaan, waxaad aqbalaysaa shuruudahan. Haddii aadan oggolayn, jooji isticmaalka app-ka.
2. Astaamaha iyo helitaanka
Astaamaha way ku kala duwanaan karaan nooca app-ka, qalabka, rukhsadaha iyo adeegyada la hawlgeliyey. Bogga rasmiga ahi wuxuu sheegaa in build 1.0.1 uu diyaar yahay; Google Play weli lama daahfurin, App Control iyo VPN-na kuma jiraan build-kan. Features lagu xusay roadmap ama muuqaal suuq-geyn ahi ma aha ballanqaad inay horeba u shaqaynayaan.
3. Akoonka iyo isticmaal masuul ah
Adiga ayaa mas'uul ka ah ilaalinta akoonkaaga iyo xogta aad geliso. Ha isku dayin inaad adeegga si xun u isticmaasho, jebiso amniga, farageliso dadka kale ama isticmaasho feature si ka hor imanaysa sharciga.
4. Shukaamiye AI
Jawaabaha AI waa talooyin qoraal oo la abuuro, mana aha dammaanad saxnaan, ku habboonaansho ama natiijo gaar ah. Dib u eeg jawaabta ka hor intaadan qof u dirin. Adiga ayaa go'aansanaya waxa aad wadaagto; ha gelin passwords, xog maaliyadeed ama sawirro aanad xaq u lahayn inaad isticmaasho.
5. Subscription iyo credits
Subscription-ka Gaashaan waxa laga doortaa gudaha app-ka. Shukaamiye credits-kana waxaa lagu dooran karaa bogga Shukaamiye. Qiime, credit ama subscription lama hawlgelinayo ilaa nidaamka lacag-bixinta rasmiga ahi xaqiijiyo lacagta.
Marka adeeg lacag-bixin rasmi ah la xiro, shuruudaha lacag-celinta, xaqiijinta lacagta, qiimayaasha iyo renewal/cancellation-ka waxaa lagu sheegi doonaa hab cad ka hor iibka.
6. Adeegyada iyo links-ka dhinac saddexaad
Login, AI, hosting iyo mobile-money waxay ku tiirsanaan karaan adeeg bixiyeyaal kale. Adeegyadan waxay leeyihiin shuruudo iyo siyaasado u gaar ah, waxaana laga yaabaa inay mararka qaar shaqayn waayaan ama isbeddelaan.
7. Xuquuqda wax-soo-saarka
Magaca Gaashaan, naqshadda, astaamaha iyo software-ka waxaa iska leh mulkiilayaasha ama kuwa ruqsadda siiyay. Ha koobiyeeyn ama dib u qaybin qaybaha app-ka si ka hor imanaysa sharciga ama ruqsadaha khuseeya.
8. Helitaanka, mas'uuliyadda iyo wax ka beddelka
Waxaan ku dadaalaynaa in adeeggu noqdo mid la heli karo, balse ma dammaanad qaadno shaqayn aan kala go' lahayn. Inta sharcigu oggol yahay, adeegga waxaa loo bixiyaa sida uu yahay iyadoo aan la dammaanad qaadin in feature kasta ku habboon yahay xaalad kasta. Shuruudahan way isbeddeli karaan; nuqulka hadda waxa lagu daabacaa boggan.
9. Xiriir
Su'aalaha shuruudaha ama lacag-bixinta demo-ga: